Garabyada Beesha Mareexaan ee Khilaafka Doorashada Gobolka Gedo

Somalia news

Waxaa Weli taagan Khilaafka Guddiyada Doorashada Ee Gobolka Gedo, inkastoo Guddiyadii Wasiirada ay u gudbiyeen Wasiirka 1-aad Warbixintii laga sugaayay ee xubnaha 4-ta Garbahaarey looga soo dhiibay iyo 4-kale Oo Kismaayo laga soo xulay….

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in 4-taas ayay ahayd in Jubaland labo ka xulato ay umagacawdo Maamulka Garbahaarey, Balse ma dhicin oo Mareexaankii Kismaayo oo uu horboodayo M Sayid,ayaa iyaguna 4-kale la yimid sidaas ayaana 8-Xubnood loogu gudbiyay Rooble.

Xogta Warsidaha Diinah.com news soo gaareysa ayaa waxay sheegaysaa in Mr.Rooble u gudbinaayo Sheekh Axmed Madoobe 8-da xubnood, isagoo ka dhex dooran doona Labo kala matali doona labada garab ee Mareexaan, waxayna kala noqon doonaan Gudoomiye iyo ku xigeen. Iyadoo u muuqataa Xiisada Gobolka Gedo in ay soo gabagaboobayso.

130770cookie-checkGarabyada Beesha Mareexaan ee Khilaafka Doorashada Gobolka Gedo