Warbixin Ku Aadan Kursiga Hop#141 Ee Hir-Shabelle

Somalia news

Iimaamka beelaha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay khilaaf xoog leh oo ka taagan mid ka mid ah kuraasta beesha ee golaha shacabka, kaas oo tirsigiisu yahay HOP141, Kursigaas waxaa hada ku fadhiya wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale…

Imaamka ayaa sheegay in hadallada ay warbaahinta isku marinayaan xubno u dhashay beesha oo Jawaahir Baarqab uu ka carabaabay uu aad u dhibsaday aysana habooneyn, isla markaana loo baahan yahay in si walaalnimo ah wax loo qeybsado.

Walaalayaalow nama qabato in dadkeenu is cambaareeyaan oo la dhaho reer hebel ayaa xaqeena cunaye hamatageen, taas nama qabato walaalayaalow, hadaan tusaale u soo qaato Harti-Abgaal waxaan leeyahay walaalayaal Cadale lama kala xigo… kursigaas waa naga wada maqan yahay oo Xasan-Warante ayaa nagala wareegay hadaan Harti-Abgaal nahay,” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Anigo odaygii Mudullood ayaan ahay u kala eexa maayo, warka kusigaas ku saabsan waa i dhibay, sababtoo ah nin wixiisii meesha uu ka baxshey og ayaa ku leh hebel ayaan wax laleeyahay, maalin dhaweetana waxaan maqlaayey ha matageen reer hebel, warkaas waa i dhibay, waxaana tiri Ina Baarqab. Ina Baarqab waxaan leeyahay walaaley Gob lama matajiyee joog, walaxaa ku saarane meel fariiso”.

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa gaaray degmada Cadale. Sida aan xogta ku helnayna safarka Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa hordhac u ah safar ay maanta degmada Cadale ku tegi doonaan Madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, si loo xaliyo Kuraasta Senatorada iyo Xildhibaanada.

130800cookie-checkWarbixin Ku Aadan Kursiga Hop#141 Ee Hir-Shabelle