Digniino Laga soo Saaray Go’aanada Shirkii Djibouti & Khataraha ku Xeeran ee Faquuqa ku Dhisan..

Somalia news

Heshiiskii qalinka lagu duugay ee Magaalada Djibouti ka dhacay ayaa la sheegayaa inuu ahaa shir-dhagareed lagu duudsinaayo matalaada Siyaasadeed ee Beelaha Harti & Garxajis, hadaba su’aasha isweydiinta leh ayaa ah maxaa xiligaan si hal haleelka ah loo baahiyay heshiiskaasi…

Marka hore, Waxaa marqaati ma doonto ah in Muuse Biixi uu wakhtigii muddo xil-heynta uu ka dhamaaday, isagoo ku joogaa Xafiiska Muddo kororsi, Sidaas darteed, ma geli karo wada hadal Masiiri ah, Maxaase loogu magacaabay Kulankaasi “wada hadal Somalia iyo Somaliland”, iyadoo aan Maamul rasmi ah uusan ka jirin Somaliland.

Ku darsoo Dhawaan ayaa la filayaa iney markii ugu horeysay magaalada Mogdishu ka degaan Ergo ka socota Isbageysiga Muuse Biixi, waxeyna wada hadalo la yeelan doonaan Maamulka Villa Somalia iyadoo la xaqiijiyay in Wada hadalada ay qeyb ka yihiin sidii loo bixin lahaa 70-millions US$ oo deyn ahaan loogu leeyahay Muuse Biixi, waana kharashaadkii ku baxay abaabulkii Dagaaladii Goija cadde iyo Gumeys iyo Oog, waxaana wada bixinaaya UK & UAE.

Mudooyinkii u dembeeyey, waxa degaanada Somalida ee Geeska Afrika laga dhex faafinayey Siyaasado iyo Abaabulo dhan ka Beelaha Garxajis, Harti/Daarood naceyb iyo go’doon Siyaasadahaasi waxay ka soo burqanayeen Caasimadaha Muqdisho iyo Djibouti, iyadoo la adeegsanaayo Beelaha Kab-lalax, talabadaan ayaa u muuqata mid Kooxaha Deni iyo Farmaajo taageersan go’doon siyaasadeed oo naceyb ku dhisan loo talaalo, Halka Cabdiraxmaan Ciro loo dejiyay inuu maro Wadadii Cabdiraxmaan Tuur.

Xeeldheerayaashu ayaa ka digay khatarta uu leeyahay Qorshahaan waxeyna tilmaameen, in sababta beesha Beelaha Harti/Garxajis loo bar tilmaameysanayo ay salka ku Somalia taariikho hore iyo sameynta ay ku leeyihiin dalalka Somalia, Ethiopia iyo Kenya oo Sidaas darteedna, ay go’aansadeen inay khadka ka saaraan, iyagoo adeegsanayo siyaasadaha ku dhisan is xulufeysi iyo is gaashaan buureysi.

Dalkaan uma baahna Kooxo Diimeedyo dulmi faraha kula jira, kuwaasoo dhagaraha ay dejieen dib ugu laaban doonta, maxaa yeelay Dulmi Shaati diimeed lagu galo dib ayaa loofa shalaayaa, inkastoo Ciro, Deni iyo Farmaajo aysan aheyn Muwaadiniin daacad ah dulmi badan dhinacooda ka waday hadana ma ahan in Qabiil ahaan loogibbergsado,

297230cookie-checkDigniino Laga soo Saaray Go’aanada Shirkii Djibouti & Khataraha ku Xeeran ee Faquuqa ku Dhisan..