Garoonka Diyaaradaha Ee Baraawe

Politics

Maamulka Villa Somalia iyo Kooxda EU-da magaceeda ku qaraabata ayaa fashil iyo ceeb kala soo gudboobaatay kadib markii Garoonkii Diyaaradaha ee Degmada Baraawe Roob yar oo ka Da’ay uu sii saaray Fashilka iyo beenta dhaqaalaha badan lagu lunsaday..

Maamulka Farmaajo ayaa Fashilka kaga yimid dhismaha Airport ka Baraawe oo familkiisa lasiiyay qandaraaska, Kadib markii baraha bulshada aad loohadal haayay burburka baahsan ee ka muuqda airport ka Baraawe kaaso la dhisay wax yar hal bil.

Sawirka waxaa idinka muuqdo goobta ay Diyaaradaha kusoo dagaan ama la dhigo oo roobka yar (Kaliil) ay qaadeen.

Arrintaas oo wajigabax iyo Fadeexad ku noqotay Qoyska Madaxweynaha iyo DFS maadama ay si arxandara ah ulunsadeen Hantida Shacabka ayagoo ka faa’iideysanaya Awooda Madaxweynaha, waxaan ka marneyn Shaqaalaha EU-da Qeybta Somalia oo oggolaatay in beentaasi hirgasho.

24520cookie-checkGaroonka Diyaaradaha Ee Baraawe