Jubbaland Oo Soo Dhoweysay Baaqyada Nabadeed ee UN-ka..

Politics

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo gelinkii dambe ee Khamiistii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa soo dhaweeyay warkii ka soo yeeray Isu Duwaha Siyaasadda Maraykanka ee Golaha Ammaanka, Rodney Hunter iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, James Swan, ee walaaca kaga muujiyeen tallaabada gurcan ee Maamulka Farmaajo ay ciidamada ugu daabushay Gobolka Gedo.

Danjire Rodney Hunter ayaa kulan ay lahaayen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka hor sheegay inaanan la aqbali karin Ciidamada Dowladda Federaalka geysay Gobolkaasi Gedo, isla markaasna ay carqaladeyso degaano nabad ah, isagoo ugu baaqay iney si deg deg ah Dib ugu soo celiso Magaalada Muqdisho.

Jubbaland ayaa waxay ciidamadoodu dib uga gurteen xuduuda Degmada Beled Xaawo, xilli Beesha Caalamka aanay kalsooni u muujin Ciidamadii Dowladda, ee horaantii bishan la wareegay gacan ku haynta Degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beled Xaawo.

Wasiir Janan ayaa toddobadkii koobaad ee bishan, mar uu la hadlayay BBC waxaa uu sheegay inay hoos yimaadaan ciidan ka tayo wanaagsan kuwa dowladda, oo aan xilligaasi joogin Gobolka Gedo, balse marka uu u baahdo uu u yeeri doono.

19410cookie-checkJubbaland Oo Soo Dhoweysay Baaqyada Nabadeed ee UN-ka..