Golaha Amaanka ee AU-da Oo Ansixiyay Dhismaha Howlgalka Ciidamada AUSSOM ee Somalia..

Africa News Security Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan ay yeesheen Golaha Amaanka & Nabada ee AU-da kana doodeen Qaab dhismeedka Howlgalka iyo Abuurtaanka Ciidamada Midowga Africa oo loo qorsheeyay iney ka howlgalaan Somalia bilowga Sanadka soo socda ee 2025-ka..

Wararka ayaa sheegaya in Howlgalka oo loogu magac daray Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Somalia, war murtiyeed laga soo saaray gunaanadkii kulankooda ayaa Goluhu waxey ku isku raaceen sida ay lagama maarmaanka u tahay in si dhab ah loo qiimeeyo saameynta ay yeelan karto wejiga 3-aad ee ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Somalia (ATMIS) si looga fogaado wax kasta oo amni darro ah inta lagu guda jiro xilliga kala guurka iyo bilowga howlgalka cusub.

Dhanka kale, Golaha Nabadda iyo Amaanka ayaa bogaadiyay kor u qaadista iskaashiga ka dhaxeeya Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Somalia, iyo saaxiibada muhiimka ah ee caalamiga ah. Wada shaqeyntooda waxay ujeedadeedu tahay in la fududeeyo si hufan oo wax ku ool ah fulinta waajibaadka cusub ee loo igmaday.

Goluhu wuxuu sidoo kaloo amaanay dadaalka iyo hagar la’aanta ee Qaramada Midoobay iyo dhamaan saaxiibada caalamka ee ku aaddan taabba-gelinta nabadda iyo xasilloonida Somalia, Ciidamadaan ayaa lagu wadaa iney tiradoodu gaari doonto 8-12 Ciidan, iyadoo ilaa haatan ay tilmaameen Dalalka Egypt iyo Djibouti iney diyaar u yihiin iney Ciidamadadooda ku biiriyaan Howlgalka cusub.

340810cookie-checkGolaha Amaanka ee AU-da Oo Ansixiyay Dhismaha Howlgalka Ciidamada AUSSOM ee Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *