Ma Dhabaa in Qorqor uu Kulamo Qarsoodi ah kula Leeyahay Cabud waaq Saraakiil Ethiopian ah..

Somalia news

Dhinacyada daneeya Horumarka & xasilinta Amaanka Degaanada Galmudug ayaa welwel ka muujiyay ka maqnaashaha saaxada Siyaasada iyo Xaruntiisa Madaxweynaha Galmudug Mr.Qorqor oo muudo ku sugan degmada Cabud waaq ee Gobolka Galguduud..

Kooxahaan ayaa sheegay in kooxda Argagixisada Shababka ay farsiimo ka dhigteen degaan 15-KM u jirta degmada Cadaado halka Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug (Dhuusa mareeb), ay maleeshiyaadka kooxdani ay dhibaato ku hayaan Dadka degaanka masaafo u jirta 18-KM, isla markaasna ay guud ahaan abaaro iyo howlgal gurmad u baahsan yihiin Shacbiga.

Ku darsoo, Gobolka Hiiraan oo deris la ah Galguduud, waxaa ka socoda olole lagu baacsanaayo maleeshiyaadka Kooxda Shababka, kuwaasoo la sheegay iney u soo baxsadeen Degaanada Galmudug, maxaa u talo ah oo u qorsheysan Madaxweynaha iyo Maamulkiisa, mise wuxuu weydistay inuu kulamo la yeesho Saraakiil Ethiopia ka tirsan ku sugaayo Degmada Cabud waaq hub iyo rasaas.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweyne Qorqor uu kulamo kula leeyahay Saraakiil Sirdoon iyo kuwo Ciidan oo ka socda Dowladda Ethiopia, waxaana kulankaasi looga tashanayaa sidii loo xagal daacin lahaa Barnaamijyada siyaasadeed ee Madazweynaha Somalia.

210030cookie-checkMa Dhabaa in Qorqor uu Kulamo Qarsoodi ah kula Leeyahay Cabud waaq Saraakiil Ethiopian ah..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com