Golaha Amaanka Oo Warbixin Ka Soo Saaray Somalia

Politics

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa warbixin dhinacyo badan taabaneysa ka soo Saaray, Arrimaha Dagaalada Shabaabka, Siyaasada iyo Cudurka Covid-19 ee Somalia, iyagoo soo dhoweeyay dadaalada dagaaleed ee laga wado Gobolka Shabeelada Hoose…

Dowladihii hadlay oo dhan waxay madaxda Soomaalida ku waaninaayeen inay wada hadlaan, inay colaadda joojiyaan, inay cadowga Shabaabka u midoobaan, inay doorashada ka heshiiyaan, wakhtigeedana ku qabtaan, iyo inay dadkooda u turaan.

Howlgalada Amaanka

Warbixinta ayaa lagu sheegay In Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada Oo kaashanaaya Ciidamada USA ee Cirka ay la wareegeen degaano ay ka talinaayeen Kooxda Argagixisada ee Shabaabka, iyagoo dhiiri geliyay dhaqdhaqaaqa socda, wallow uu hoose u dhac ku keenay Cudurka Coronavirus, iyadoo xaalado dhowr ah laga helay Somalia.

Siyaasada Maamulada Gobolada

Golaha Amaanka ayaa walaac ka muujiyay In Ciidamada Amaanka ee Dowlada Loo adeegsado loolanka Siyaasadeed ee Maamulada Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug, waxaana lagu eedeeyay Maamulka Farmaajo inuu abaabulay dagaalo beeleedyo, isla markaasna uu burburiyay Qaab dhismeedkii Dowlad goboleedka Jubbaland ee Gobolka Gedo, kadib markii ay fashilmeen saameyntooda Doorashada degaanadaasi.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay Dowlada Federaalka iney Ciidamada Dowlada u adeegsatay sidii ay shaashada uga saari laheyd Xoogaga Ahlu Sunnah ee Galmudug, isla markaasna dagaalada ka dhacay Dhuusa mareeb ay kharaase iyo barakac ka soo gaareen Dadka rayidka.

Dowlada Oo Laga Dalbaday Wadahal

Danjiraha USA ayaa Maamulka Farmaajo ka dalbaday inuu qabto Kulankii Amaanka Qaranka, kaasoo ay isugu yimaadaan Dowlada Federaalka iyo Dowlad goboleedyada, baaqaan ayaa ku hagaagay xilli uu dalku cagaha la galaayo xaalad kala guur ah, isla markaasna aan weli lagu heshiin Nidaamka Doorashooyinka 2020/2021 lagu gelaayo, taasoo sii xoojisay shakiga laga qabo in Maamulka Villa Somalia ay diyaaraadeen Muddo kororsi Hal sano ah

35960cookie-checkGolaha Amaanka Oo Warbixin Ka Soo Saaray Somalia