Carmaladii Horgalihii Weerarka Ku Qaaday DusitD2 Mall Oo Ku Dhibaateysan Degmada Jilib..

Africa News

Ilo wareedyo Amaan ayaa tilmaamaya in Carmalad u dhalatay Dalka Kenya oo Seygeedii hore ahaa Horjoogihii hogaaminaayay Kooxdii weerarka ku qaaday Mall-ka DusitD2 ee magaalada Nairobi laguna dilay 5-sano ka hor, ayaa laga soo sheegaya iney nolol liidata ku nooshay Konfurta Somalia…

Xogtaan ayaa sheegtay in Violet Kemunto Omwoyo alias Khadiija Maxamuud ayaa waxay ku noolshahay nolol hooseysa, taasoo muujineysa nolosha xun ee dhalinyarada lagu soo jiiday xagjirnimo diimeed, gaar ahaan natiijada faqriga ama dayaca, Kemunto waxay hadda ku nooshahay Jilib, oo xarun u ah Kooxda Argagixisada Shabaabka, halkaasoo ay luqadda ku barato carruurta hawl-wadeennada Horjoogayaasha kooxda Shababka.

Sida ay xaqiijinayaan xogaha Amaan, Gabadhaan oo aysan noloshu cafin, iyadoo horey Howlwadeen uga soo shaqeysay Shirkada Safaricom iyo qeybo kale, ayaa la sheegay iney noloshedii ay ku soo koobtay in Maalinba Horjoge ka tirsan Kooxda Shababka uu guursado, nasiibkuna kaliya ay tahay sababta loo dili waayay ilaa hadda.

301970cookie-checkCarmaladii Horgalihii Weerarka Ku Qaaday DusitD2 Mall Oo Ku Dhibaateysan Degmada Jilib..