Golaha Madasha Wadatashiga Qaran oo Shirka uga Furmay Caasimada Somalia & Qodobada Horyaala…

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan uga furmay Caasimada Somalia Madaxweynaha iyo Hoggaamiyayaasha madasha Wadatashiga, kaasoo socon doona muddo 2 maalmood…

Wararka ayaa sheegaya qodobada ugu muhiimsan ah Malafka Doorashada oo ah midka ugu xasaasisan ee waqtigaan horyaala Hogaamiyayaashaan, waxeyna kala yihiin…

-Dawlad gobaleedyadu wat qorshe doorasho Dad-ban oo ugaar ah in ay hadda qabsadaan oo sidaas ay taladooda ku yeeshaan, hadii kale loo oggolaado mudo kororsi ay la waqti yihiin Madaxweynaha oo ku mudeysan May 2026-ka.

-Villa Somalia ayaa dhankeeda rabto doorasho qof iyo cod ah in la qabto, lagana shaqeeyo ka hor March 2025-ka si ugu dambeyn June ee sanadka dambe loo qabto, tan kuma qanacsana Hogaamiyayaasha Gobolada.

Labada dhinacba mid kasta Aragtidiisa ayuu iibinayaa, sidoo kale qodob kale oo Hogaamiyayaashu ka doodi doonaan waxaa ka mid ah in SSC-Khaatumo lagu soo daro shirka iyo in kale oo maanta laga doodi doono, ogolaanshana madasha laga raadin doono.

Iyadoo Warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Hogaamiyaha Maamulka SSC/Khatuumo uu soo gaaray magaalada Mogadishu laguna wado inuu ka qeyb galo Kulanka Madasha Wadatashiga Qaran kadib markii ay oggolaadaan inuu si rasmi ah uga mid noqdo Golahaasi.

326790cookie-checkGolaha Madasha Wadatashiga Qaran oo Shirka uga Furmay Caasimada Somalia & Qodobada Horyaala…