Villa Somalia Oo lagu Eedeeyay iney ka Gaabisay Deminta Colaadii Sool & Barakicinta Shacbiga..

Somalia news

Warbixin laga diyaariyay colaada sokeeya ee lagu hoobtay oo ka taagnaa magaalada Laas caanood ee Gobolka Sool, ayaa muujineysa sida garaad siyaasadeed ee Siyaasiyiinta xiligaan ay u hooseyso gaar ahaan Madaxda Dowladda Federaalka oo kaalintoodu lagu tilmaamay mid isku dirid ah iyo ka dhur sugid kooxda guuleysata..

Khubarada taxliiliya arrimaha gudaha ayaa sheegeen in Eedda ugu weyn ay leedahay Villa Somalia oo ka baaqsatay iney si cad ugu sheegi waysay Maamulka Muuse Biixi in dooddiisa in Somaliland jamhuuriyad tahay Xoogagiisuna soo xirayo soohdinta aysan ahayn sababo lagu laayo Dad Soomaaliyeed laguna duqeeyo magaalo muddo 8-bilood ah.

Dowladda Federaalka ayaa u aamustay si Muuse Biixi u noqdo dagaal ooge Shacbiga Soomaaliyeed ku tilmaamay argagixiso xilli Somalia ay ku sugan yihiin Ciidamo nabad ilaalin ah laguna dhaqo Cutubka 7 ( Chapter 7) waayo dal leh dowlad aan amniga dalkeeda ku filnayn oo xitaa aan ka badbaadin karin duqeyn uu maamul Soomaaliyeed ka geysanayay magaalo rayid degan yihiin.

Hadaba, maanta madaxda Somaliland waxaa la gudboon inay dhowraan magaca Dadka ay metelaan oo aysan kursi jeceyl iyo Dad kala fogeyn xoogga saarin xilli Somalia ay tahay dal aan lahayn Qaranimo dhamaystiran, Wixii gaboodfal oo dhacay si waafaqsan Diinta Islaamka iyo dhowrista xuquuqda Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa looga wada hadli karaa, mana dhici karto in Muwaadin goosasho doonaya midnimo lagu qasbo, qof midnimo doonayana goosasho lagu qasbo.

275310cookie-checkVilla Somalia Oo lagu Eedeeyay iney ka Gaabisay Deminta Colaadii Sool & Barakicinta Shacbiga..