Guudlaawe Maxey Ugu Adkaatay Qabashada Doorashada Dadban

Somalia news

Qabashada Doorashada dadban ee 8-Senatorada ee Maamul Goboleedka Hir-Shabelle ayaa ku adkaatay inuu ku qabto wakhtigii loogu tala galay kadib markii culeysyo dhinacyo badan ay soo food saareen isla markaasna qancintooda ay horseeday in lagu dhaliilo inuu guto wajibaadkiisa…

Dadka dhaliila Maamulka Guudlaawe ayaa ku farta ku goday in Wakhtiga intiisa badan uu ku qaato Magaalada Mogadishu isla markaasna uu dib u dhigay Qabashada Doorashada dadban ee Senatorada, isagoo ka haray Maamulada kale, iyadoo Puntland iyo K/Galbeed ay soo dhameystireen Doorashada Senatorada.

Inkastoo ay jiraan duruufo gacmaha ka xiray Sida Khilaafka Beesha Xawaadle kala dhaxeeyo, ku darsoo Waxaa buuq ku furay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo oo Saamiga Senatorada u doonaya in loo sad buursiiyo laguna qoro Xubnaha taageersan, sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa ku haya Culeysyo.

Waxaana la sheegay in Kursiga Senator Muuse Suudi uu yahay midka ugu xiisaha badan, iyadoo Dhaqaale badan ay Villa Somalia ku taageertay Musharaxa ay wadato, waxeyna ku dadaaleen in loo xiro kursiga oo Al-Xaaji Muuse laga reebo Tartanka, iyagoo soo bandhigay Cabdullaahi Sheekh Xasan,

138610cookie-checkGuudlaawe Maxey Ugu Adkaatay Qabashada Doorashada Dadban