Maxaa Dowlada Federaalka ka Hortaagan Xakameynta Haamaha Sunta Xeebaha Dalka La Keeno..

Somalia news

Waxaa aad u kordhay tirada Haamaha haraadiga Sunta Kimikada ee Isbitaalada Europe loo soo xawilo xeebaha Somalia gasr ahaan Gobolada Bari, Mudug, Shabeelooyinka, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inuu jiro heshiis qarsoodi ah oo Saraakiisha sare Dowlada Federaalka iyo Maamulada la gaareen Shirado European ah..

Taariikhda Qashinka Sunta Isbitaalada iyo Haraadiga Kimikada

Sanaddii 1987-kii Dalka Talyaaniga ayaa mashruuc caalami ah oo Fariisinkiisu ahaa magaalooyinka Roma iyo Milano lana oran jiray URANO, ayaa waxaa ujeedadiisu ahayd in saddex meelood oo lama-degaanka Saxaaraha, Dalka Somalia iyo meel kale oo Asia ka mida lagu aaso Qashinka Sunta ah iyi Haraadiga Kimikada Isbitaalada Dalkaas, 15-kii Agoosto ee isla sanadkaas ayuu dhacay ansaxinta mashruucaas oo ay saxiixeen shaqsiyaad la kala yiraahdo, Elio Sacchetto oo ka socday shirkada Minera Rio de Oro oo saldhigeedu yahay magaalada Lugano ee dalka Swizerland iyo Luciano Spada oo ka socday shirkadda Instrumag isla markaasna ahaa ninka u qaabilsan arrimaha kobcinta dhaqaalaha ee xisbigii waayahaasi ugu weynaa Talyaaniga ee shuuciga ahaa ee PSI (Partito Socialista Italiano) ee madaxda ka ahaa Bettino Craxi.

Ku Darsoo Sanadkii 1989-kii ayaa Qaramada midoobay kaladhigii 44-aad ee Golaha loo dhan yahay (UN General Assembly) ayaa dhibaatooyinka caynkan ah ee dalalka soo koraya looga dooday, Isla sanadkaasi waxaa lagu guddoonsday resolution-kii lambarkiisu ahaa 44/226 kaasoo lagu xaddidayey “traffic in toxic and dangerous products and wastes”. Sidoo kale Axdiga Basel oo ah heshiiska ugu weyn ee heer caalami loogu talagalay in dhoofinta qashinka suntaa lagu xakameeyo ayaan xilliga mashruuca Urano la jaan-dhigayey isna jirin, Heshiisyada kale sida kii Bamako ee Ururka Midowga Afrika ayaa iyagu ahaa goor dambe inkastoo sida muuqata intuba ku guuldarraysteen joojinta suntaasi.

Ma ahan markii ugu horeysa ee Haamahaan khatartooda wata ay ku soo caariyaan xeebaha Dalka, iyadoo haatan la sheegayo in Xeebta Degmada Cadale lagu arkay tiro haamahaasi ah kuwaasoo khatar ku ah Caafimaadka Shacbiga iyo Xoolaha, nasiib darro ilaa ma jiraan Xafiis Dowladeed iyo kuwa Hey’adaha UN-ka, Xusuuq insaaka iyo Caafimaadka oo iska xil saaray iney baaris ku sameeyaan Haamahaan halka laga keeno iyo sababta ka dambeysa shaqsiyaadka mashruucaan dhaqaalaha ka sameeya.

294580cookie-checkMaxaa Dowlada Federaalka ka Hortaagan Xakameynta Haamaha Sunta Xeebaha Dalka La Keeno..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com