Guudlaawe Oo Villa Somalia Ka Hor-istaagtay Inuu La Heshiiyo Beesha Xawaadle

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-shabelle uu Caqabado kala kulmay inuu la heshiiyo Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka, kadib markii Farmaajo iyo Fahad ku gacan seyreen qorshayaal uu ku doonaayay (Guudlaawe) in lagu xaliyo Khilaafka…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Villa Somalia oo adeegsaneysa Fahad iyo Yuusuf Daba-geed, ay culeys ku saareen Mr.Guudlaawe in looga dambeeyo Arrimaha Magaalada B/weyne Madaxweyne Kuxigeenka oo beesha xurguf kala dhaxeyso, waxeyna sheegeen iney meel ka dhac ku tahay matalaadiisa.

Mr.Guudlaawe oo Madaxweyne ah muddo ka badan lix bil ayaa ilaa hadda wajahaya diidmo xoog leh oo kaga imaanaya beesha Xawaadle oo kamid ah beelaha ugu tunka weyn HirShabeelle, iyadoo Ciidamo diidan tegitaankiisa ay ku sugan yihiin Duleedka garoonka diyaaradaha.

Waxgaradka iyo Odayaasha Beesha ayaa ka biya diiday qaabkii loo agaasimay doorashadii uu kusoo baxay Guudlaawe, iyadoo ay ku doodeen in heshiiskii lagu dhisay HirShabelle uu ahaa inay leeyihiin Madaxweynaha, halka beesha Guudlaawe ay leedahay caasimadda, inkasta oo kuwa arrintan diidan ay sheegeen in heshiiskaas uu ahaa hal muddo xileed, oo aanu aheyn weligiis.

121100cookie-checkGuudlaawe Oo Villa Somalia Ka Hor-istaagtay Inuu La Heshiiyo Beesha Xawaadle