Ciidamadii Lagu Soo Tababaray Dalka Eritrea oo Dalka dib loogu Soo Celinaayo Caasimada..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Duulimaadyadii u horeeyey oo ka mid ah Ciidamada ay tababartay Dawladda Eritrea ayaa maanta lagu wadaa iney dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo dhameysteen Tababarada iyi Farsamada Arrimaha Ciidamada…

Wararka ayaa sheegaya in 4-Duulimaad ayaa maalin kasta tagaya Caasumada, ilaa ay ka dhameystirmayaan tiradda guud ee Ciidamadaan oo aan lashaacin tiradooda rasmiga ah, Dufcadaan Ciidamada ayaa isugu jiray Kuwa Taangiyada,Ilaalinta Xeebaha iyo Ciidamada Cirka, Ciidamadaan ayaa la xaqiijiyay iney hubkooda (Qoryaha Fudud iyi kuwa culus) ay ku deeqday Dawladda Eritrea waana markii 1-aad ee ay Dawlad Geeska Afrika ah, intaas iskugu darto Ciidamada Dowladda.

Dowlada Federaalka ayaa la sheegay iney horey u dayacday Ciidamadii ay Eritrea soo tababartay isla markaasna aysan siinin daryeelkii ay u baahnaayeen, sida Raashin ku filan, Gadiid iyo sahay kale toona, taasoo ku kaliftay inay ka soo lugeeyaan Degaanadii la geeyey ee gobolka Shabeellada Dhexe.

282070cookie-checkCiidamadii Lagu Soo Tababaray Dalka Eritrea oo Dalka dib loogu Soo Celinaayo Caasimada..