Hantidhowrka Oo Qoraal Ka Soo Saaray Howlaha Isbitaalka Martiini

Politics

Xafiiska Hanti-Dhawrka Qaranka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu baarayo musuq-maasuq xooggan oo la sheegay inuu ka dhacay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, sida ku xusan dokumenti kasoo baxay xafiiska.

Dokumentigan ayaa waxaa lagu sheegau in horey loo xiray agaasimihii Guud iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka, islamarkaana baaritaan lagu hayo dhowr qof oo kale.

Eedeymaha musuq-maasuqa la xiriira ayaa waxaa ka mid ah qalab caafimaad oo loogu deeqay wasaaradda oo lasoo iibiyey ayada oo si shakhsi ah looga faa’iideysanayo.

Qoraalka xafiiska hanti-dhowrka ayaa waxaa lagu sheegay inay jiraan warqado, dokumentiyo, tikityo iyo rasiityo la qabtay oo muujinaya inay yihiin kuwa ka yimid shirkado la sheegay inay adeegyo u qabteen wasaaradda ama qalab caafimaad ka iibiyeen.

Waxey sheekadu isugu soo biyo shubatay “Qawda maqashii waxne ha u qaban”. Martini in la qalabeeyay naloo sheeg, sariiro iyo agab kalene naloo soo sawir, waxayse su’aasheydu tahay –ka dhakhtar ahaan- yaa na hoggaamiya oo dadaalka aan sameyneyno iyo naf hurnimadeena yaa isuduwe noo ah? Ma Hareri oo xafiiska ra’iisalwasaaraha ka socda, wasaaraddane u bedelay NGO hoos tagta xafiiska ra’iisalwasaaraha? Mise wasaaraddi caafimaadka ee ay Dr. Fowsiyo madaxda ka aheyd ayaa laga afduubtay.

31040cookie-checkHantidhowrka Oo Qoraal Ka Soo Saaray Howlaha Isbitaalka Martiini