Dowlada Oo Ku Fashilmatay Amarkeedii Xirida Masaajidyada

Politics

Maamulka Farmaajo ayaa si hoose u fasaxay kadib markii uu Ka dhaqan geli waayay amaro ay ka soo saareen Xiritaanka Masaajidyada Magaalada Muqdisho, iyadoo xiritaankaasi lagu sababeeyay Cudurka caabuqa ee Covid-19….

Talaabadaan ayaa ka dhigan in Daladaha Culumaa’udiinka ee Magaalada Muqdisho kaga guuleysteen is-mariwaaga maalmihii ugu dambeeyay ka taagnaa arrintaan, iyadoo Maamulka Farmaajo ay sheegeen iney Masaajidyadu ka yihiin goobaha lagu faafiyo Cudurka Coronavirus.

Wadahadalo albaabadu u xiran yihiin oo maalmihii ugu dambeeyay ay yeesheen Guddi Culumaa’udiinka ka tirsan iyo Saraakiisha Maamulka Villa Somalia ayaa ku soo dhamaaday fashil kadib markii laga diiday in la xiro Goobaha Cibaadada, Qaar ka mid ah Maamulada Gobolada iyo Dowladaha Islaamka ayaa ku guuleystay iney xiraan Masaajidyada, iyadoo muuhimada la siinaayo badqabka Cafimaad ee Muwaadinka.

Culimada ku adkeystay Go’aankaan ah iney sii furnaadaan Masaajidyada ayaa xiriir dhow la leh Maamulka Farmaajo, iyadoo la rumeysan yahay iney dhaqaale (Gunooyin) ku siiso isla markaasna Dowladu dejisay Hoteelada Waa-weyn ee Magaalada Muqdisho.

31090cookie-checkDowlada Oo Ku Fashilmatay Amarkeedii Xirida Masaajidyada