Wakiilada Beesha Caalamka Oo Ku Kala Qeybsamay

Politics

Dalalka Beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa ku kala qeybsamay War-saxaafadeedka lagu taageeray heshiiska magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxweyne Axmed Madoobe iyo siyaasiyiintii ka horjeeday dib u doorashadiisa muranka badan dhalisay ee August- 2019….

Qoraalkaan oo ay sida caadada ahayd uu shaaciyay xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya UNSOM waxaa ku saxiixnaa dalalka Mareykanka iyo Midowga Yurub, waxaana ka maqnaa dalal kale oo hore ugu mideysnaa go’aannada Beesha caalamka ka qaadato xaaladda Somalia.

War-saxaafadeedkii ugu dambeeyay ee lagu soo dhoweeyay heshiiskii Nairobi waxaa ka maqnaa: Midowga Afrika, IGAD, Qadar, iyo dalalka: Masar, Turkey, Uganda, Ethiopia.

Safiirka UK ee Somalia Ben Fendar ayaa farriin yar oo uu daba digay War-saxaafadeedka Beesha Caalamka ku sheegay inay doorashadii Axmed Madoobe ay ahayd mid si weyn kharibeyd, ayna Soomaalida istaahilaan inay madaxdooda ku dooraan hab xor iyo caddaalada ah. laakiin cid kasoo heshiineysa ay soo dhoweynayaan.

Safiirka Mareykanka ee Somalia Donald Yamamoto ayaa iska dhinaciisa sheegay in heshiiska Nairobi bilow u yahay heshiis dhex mara Axmed Madoobe iyo dhinacyada kale, isagoo aan soo hadal qaadin dowladda Federaalka.

Ethiopia ayaa muddooyinkii dambe laga waayey War-Saxaafadeedka ay dalalka Beesha caalamka ee soo saaraan lagu saxiixo magaca ‘Somalia’s international partners’ iyadoo ay soo shaac baxeyso inay Beesha Caalamka ku sii kala qeybsantay xaaladda Soomaaliya.

30980cookie-checkWakiilada Beesha Caalamka Oo Ku Kala Qeybsamay