Haween ka Ganacsada Lafaha Geela si ay u Maareeyaan Nolosha Caruurtooda…

Security Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Tiro 62 Haween Soomaaliyeed oo degaankaasi ku nool ay fursad shaqo abuur ka heleen uruurinta Lafa Geela si ay u iibiyaan ugu maareeyaan nolosha Caruurtooda, iyagoo aroor kasta u kalaha Kawaanada Xoolaha lagu qalo …

Wararka ayaa sheegaya in Haweenkaan ay inay lafaha ka soo qaadeen Kawaanada, kadibna inta ay ja-jabiyaan kariya oo ka soo saara maraq dufan leh oo ay macaamiishooda ka iibiyaan, Haweenkaan ayaa la sheegay in isku cel celis ahaan Maalintii ka macaashaan 4-US$, iyagoo xaqiijiyay in dhaqaalaha ka soo gala carruurtooda u suurto geliya iney Quud 2-Jeer ah iyo Waxbarasho u helaan.

Haweenkaan ayaa laga soo xigtay iney shaqadaan tahay mid adag balse ay nolosha uga fursan wayeen, Waxayna xuseen inay kalahaan inta uusan waagu baryin, Sababta ayaa in Qofkii aan xilli hore tagin in hortii lafaha la kala qaadanayaa, iyagoo qaarkood xusay in Haweenada qaarkood kooxo tuugo ah khatar geliyaan Noloshooda.

Haweenka nolosha qoysaskooda ka soo saara lafaha ayaa maalinle ugu shaqo taga kawaanka Xanaano oo magaalada Baydhabo u jira 10-km, Wax gaadiid ah ma raacaan iyaga oo jawaano culus wata ayay la soo lugeeyaan, Xoogaga Amaanka Magaalada ayaan Haweenkaan iska xil saarin iney Amaankooda sugaan.

Duruufaha dhaqaale ee ka jira xeryaha ayaa Haweenkaan u horseeday inay fursad shaqo ka soo saartaan lafaha oo markii hore qashinka Degaanka looga soo tago ahaa balse hadda nolosha qoysaskan u noqday il dhaqaale oo u abuurtay rajo nololeed oo cusub.

350910cookie-checkHaween ka Ganacsada Lafaha Geela si ay u Maareeyaan Nolosha Caruurtooda…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com