Tirada Lacagaha Xayiraada ee Argagixisada lagu soo Rogay & Saameynta Suuqyada Iyo Dhaqaalaha..

Somalia news

Sidii loo doortay Madaxweynaha Somalia Shacbiga iyo Ganacstada waxey ka cabanayaan dhaqaale xumo baahsan iyo xayiraado lagu soo rogay dhaqdhaqaaqa Ganacsiga, Iibka Dhulka iyo Guriyaha, waxaana lagu sababeeyay xakameyntaan Sharciga cusub ee Argagixisada, iyadoo Dhaqaale oo badan oo Kooxda Shababku leeyihiin la xayiray…

Ilo wareedyo Amaan ayaa sheegaya in 7-dii sano ee u dambeysa ay Kooxda Argagixisada Shababka ku dhex milmeen Ganacsiyada Dhulalka, Dhoofka iyo soo dejinta Badeecadaha kala duwan, Dhoofinta Xoolaha, Dhismayaasha Casriga ah, kirada Hoteelada, Guryaha Qaaliga ah, Iibka Gaadiidka, Doomaha & kuwo kale, waxeyna muddo gaaban ka sameeyeen macaash badan taasoo u sahashay iney Maalgeliyaan Kooxaha Argagixisada Africa.

Saraakiisha Amaanka ayaa laga soo xigtay in Dowlada ay ku guuleystay iney xayirto 150-Millions US$ oo ay iska laheyd Kooxda Shababka, iyadoo sidoo kale la xiray 350-Accounts oo kooxdu ku laheyd Bangiyada iyo Shirkadaha Xawaaladaha Dalka, ilo Ganacsi ayaa sheegay iney jiraan Tiro lacago oo intaan ka badan oo kooxdu loogu shaqeynaayay oo istaagay markii Hey’adaha Amaanka ku qaadeen Weerarka dagaalka dhaqaale.

Khubarada Dhaqaalaha oo ka faalooday tirada lacagaha Argagixisada ee Xayiraada la saaray iyo Saameynta Suuqyada iyo Dhaqaalaha Dalka ku reebay ayaa ah mid aan weli laga soo kabsan, Talaabadani waxey caddeyn u tahay sida ay kooxda ugu dhex milantay dhiiga Ganacsatada Mogadishu ama qaar saaxiibadooda laga dishay dibna loogu dhiibay iney ged-gediyaan ama ugu shaqeeyaan, Warar ayaa sheegaya in Dadka u shaqeeya ay siin jireen Lacago dul saar ah hadiiba uu macaash soo baxo.

Xogo Amaan ayaa xaqiijinaaya iney xiran yihiin xubno badan oo isugu jira Ganacsato iyo Gadisley oo lacago u kala wareejiyay ama Horjoogayaasha Maleeshiyaadka kala macaamilay wixii Ganacsi iyo Dhaqaale la xiriira, Howlgalkaan wixii ka dambeeyay Kooxdu waxey wajahday Dhaqaale xumo baahsan iyo dagaalo khasaare ba’an loogu geystay, inkastoo aan la soo afjarin Dagaalkaan wakigiisa 1-aad hadana waxaa la qirayaa in Kooxdani la naafeeyay Dhaqaale Baada ahaa ee Shacbiga iyo Ganacsatada ka uruursan jirtay loogana baahan yahay Hogaanka Dowladu iney la yimaadaan Qorshe cad oo ka wagaansan kan ay hadda wado, hafii kale waxba kama soo naaso cadaanayaan.

283610cookie-checkTirada Lacagaha Xayiraada ee Argagixisada lagu soo Rogay & Saameynta Suuqyada Iyo Dhaqaalaha..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com