Ergeyga Gaar ah ee Madaxweynaha ee Abaaraha oo Isla Xisaabtan La’aan Ku Eedeeyay Dowladda Federaalka

Somalia news

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha iyo Bani’aadanimada ee Madaxweynaha DFS, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya looga baahan yahay isla-xisaabtan dhab ah..

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay DFS ay tahay shaqaaleeyaha ugu weyn ee dalka, balse uusan jiran isla-xisaabtan.

“Dawlada Somalia waa shaqaaleeyaha ugu wayn ee dalka, laakiin aanan la iskula xisaabtamin. Shirkadaha Ganacsiga ayaa ku soo xiga, waxayse dawlada kaga duwan yihiin in shaqada la iskula xisaabtamo. Ilaaheey isla-xisaabtan ayuu Janada iyo Naarta u samaystay.”

Warsame ayaa sheegay in shaqo kasta oo aan laheyn is la-xisaabtan, aan laga gaari karin guul, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay in khalad mar dhacay uusan dib u soo laaban. “Hawl aan Isla-xisaabtan lahayn guul lagama gaaro. Guushu maaha in uusan qalad dhacin ee waa in isla qaladkii aaan mar kale lagu celin, isla-xisaabtan ayaana aabe u ah.”

222180cookie-checkErgeyga Gaar ah ee Madaxweynaha ee Abaaraha oo Isla Xisaabtan La’aan Ku Eedeeyay Dowladda Federaalka