Heshiiska Mareykanka ay Kenya la Gashay Miyeey u Horseedi Karaan Khatar Amni oo Dalkaasi Khalkhal geliya..

Africa News

Warbixin Amaan ayaa daaha ka rogeysa in Kenya ay khatar amni u horseedi karto heshiiska ay Dhulka Balaaran ku siisay USA Army, iyadoo marka lagu daro khalkhalka amni ee Shababka ku hayaan Degaanada Waqooyi Bari iyo Lamu, Bishii Maarso 2024 Xuuthiyiinta fadhigoodu yahay Yemen ayaa wacad ku maray inay weeraradooda ku fidin doonaan badweynta India, oo ayna suuragal tahay inay caawiyaan Iran iyo burcadbadeedda Soomaalida…

Xuuraan loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Qorshaha Kenya ay ku dooneyso in nidaamka difaaca gantaalaha hawada ay ka hesho Israel ayna ku biirtay Difaaca Ethiopia si ay u ilaaliso hawadeeda. Waxaan tilmaamay in tallaabadani ay tahay mid loogu diyaar garoobayo khatarta sii kordheysa ee Kooxda Shabaabka ee Somalia iyo kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

Ciidanka Difaaca Kenya waxa ay Dalka Israel ka helayaan hanaan difaaca ee gantaalaha cirka kaasoo qiimihiisa lagu qoyaasay 1 Billion oo shilin Kenya oo amaah ah, Nidaamka Difaaca Cirka ee SPYDER waxaa bixin doona Rafael Advanced Defence Systems Ltd, oo ah shirkad ay leedahay Dowladfa Israel, iyadoo la xasuusan yahay in Nidaamka Difaaca ee Israel ee Iron Dom uu ku fashilmay inuu ka hortago Gantaalada Ururada Hamas, Xisbullah iyo Xuutiyiinta.

Wax ka Ogow Nidaamka Difaaca Cirka ee SPYDER

Nidaamkaan waa mid ka mid ah hababka difaaca hawada ee ay isticmaalaan Ciidamadu. Nidaamkani waa fal-celin degdeg ah, hab-hooseeya oo ah habka gantaalaha hawada dhexe iyo mid sare loogu talagalay in lagaga hortago weerarrada Diyuuradaha, Helikabtarrada, UAV-yada iyo lidka sida saxda ah loo hago oo masaafo dhan 100KM ah, Nidaamku wuxuu leeyahay dareemayaal lagu ogaan karo weerar kasta oo gantaal ah ilbiriqsiyo gudahood.

Kenya waxay ku biiri doontaa Itoobiya oo ah dalal leh nidaamka difaaca hawada ee Bariga Afrika. Itoobiya waxay rakibtay nidaamka difaaca hawada ee SPYDER 2019. Tani, ka dib markii ay sii socdeen khilaafaad kala dhexeeya Sudan & Masar oo ku saabsan biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) kaas oo ku yaal webiga Niil.

329260cookie-checkHeshiiska Mareykanka ay Kenya la Gashay Miyeey u Horseedi Karaan Khatar Amni oo Dalkaasi Khalkhal geliya..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com