4-Diyaaradood Oo ku Burburay Degaano ka Tirsan Gaarisa, Wajer iyo Lamu ee Dalka Kenya..

Africa News

Wararka naga soo gaaraya Dalka Kenya ayaa sheegaya in 3-Diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca (Helicopters) ayaa ku burburay degaano kala duwan oo Gobolada Dalka Kenya, iyagoo diyaaradahaan la sheegay iney  iidato dayactirkooda, Waxaana la sheegay in Chopper-yada sida wanaagsan loo dayactiray ay isticmaalaya Siyaasiyiin iyo Saraskisha sare..

Wararka ayaa sheegay in Diyaarad kuwa Ciidamada ay ku dhacday degaanka Buna ee Degmada Wajer kadib markii ay halkaasi geysay Raashin gargaar ah oo loogu tala galay Dadka ay waxyeelada ka soo gaartay Roobabka Mahiigaanka ah, waxaana ku dhaawacmay Labo qof oo dhaawac halis ah soo gaaray.

Dhacdo kale oo shil helicopter ah oo ka dhacday magaalada Masalani ee ismaamulka Garissa iyadoo Maanta sarkaalad imtixaan ee qeybta Waxbarashada Kenya lagu dilay kadib markii ay jartay gaari booyad ah, Saraakiisha Amaan ma yaqanaan sababta ay Macallimada aad ugu dhawaatay Baalasha Diyaarada.

Halka Diyaarad labaad oo waday Sanduuqyada Warqadaha Imtixaanada ayaa sidoo kale ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Wajer, iyadoo u socotay degaanka Arbajahan, waxaana ku dhaawcmay Duuliyaha iyo 2-qof oo kale, Sidoo kale Diyaarad kuwa Ciidamada oo ku guda jirtay Howlgal ayaa ku burburtay keymaha Boni Forest er Degmada Lamu, waxaan ku dhinteen tiro aan la cayimin oo ka tirsan Ciidamada Kenya.

288730cookie-check4-Diyaaradood Oo ku Burburay Degaano ka Tirsan Gaarisa, Wajer iyo Lamu ee Dalka Kenya..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com