Hogaanada Hey’adaha Amaanka Oo Habac ku Yimid Kadib Mowjado Weeraro ah Kooxda Shababka ku Qaadeen Mogadishu & Daafaheeda..

Security Somalia news

Macluumaad sirdoon ayaa daaha ka rogay in Hogaanada Boliiska iyo Hay’adda Sirdoonka ay habac ku yimaadeen kadib markii Mowjado weeraro qorsheysan ay ka geysteen Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada Shababka Caasimada iyo Daafaheeda, xili Agaasimaha Hey’adda ka qeyb galka Xaflad aroos ugu maqnaa magaalada Nairobi…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Hogaanka Hay’adda lagu eedeeyay intii uu ku sugnaa magaalada Nairobi uu la kulmay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Ethiopia inkastoo aan la aqoonin waxa ay ku wada hadleen, waxaana bilihii dambe hoos u dhac ku yimid Amaanka Caasimada kadib markii Mr.Cabdullaahi Sanbalishe uu shaqada ka eryay Boqolaal Saraakiil iyo Askar ka tirsanaa Hay’adda NISA iyo Warar sheegaya in Taliyaha Boliiska Xilka laga qaadaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha iyo Askartaan la eryay ay Hubkii ay ku shaqeynaayeen ay hore u qaateen ayna Magaalada la joogaan, talaabadaan ayaa horseedi karta in Xubnahaan ay falal burcadnimo iyo khalkhal amni darro ku keeni karaan iyo in qaarkood ay ku biiraan Kooxaha Argagixisada oo sanadkii ugu dambeeyay aad loo wiiqay awoodadii gaar ahaan Howlgalkoodii Caasimada.

Khubarada ku xeel dheer arrimaha Amaanka ayaa walaac ka myujiyay haba sanaanta ku timid Hogaamada Boliiska & NISA, iyadoo Amaanka Caasimada u hoos u dhac ku yimid, ku darsoo waxaa la xaqiijiyay in Kooxaha Argagixisada ay ka soo iibsadeen Degaanada Cabud waaq iyo Balanbale tiro qoryaha diirada leh (Shapr-shooters) iyo Bastoolahada Silencers-ka leh loona adeegsado dilalka Qorsheysan.

341260cookie-checkHogaanada Hey’adaha Amaanka Oo Habac ku Yimid Kadib Mowjado Weeraro ah Kooxda Shababka ku Qaadeen Mogadishu & Daafaheeda..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *