Wasiirka Beeraha Kenya Oo Shaaca ka qaaday Heshiis lagu Kordhinaayo Tirada Qaadka ay u Dhoofiyaan Somalia..

Africa News Somalia news

Maamulka Villa Somalia ayaa isku diyaarinaaya in heshiis lagu kordhinaayo Qaadka Miirowga ah ee laga keeno Dalka Kenya, Heshiiskaan ayaa lagu wadaa 8-da Bisha May 2024-ka ay kala saxiixan doonaan Dowladaha Somalia & Kenya sida uu xaqiijiyay Wasiirka Beeraha Kenya Mr.Mithika Linturi…

Maamulka Nairobi ayaa la sheegay in xiligaan ay ka faa’iideysaneyso xiriirka ganacsi ee hooseeya una dhaxeeya Somalia & Ethiopia, si loo xaqiijiyo faa’iidooyinka & Macaashka dhaqaale ee maalinlaha ah iyo in loo helo nidaam sharci oo ganacsi kaasoo muddo dheer shaqeyn kara, iyadoo loo faa’iideynaayo Ehelada Madaxweynaha oo loo xiray Suuqa Qaadka iyo Xubno ka soo jeeda Beesha Habargidir.

Somalia ayaa ku suntan Dalka ugu balaaran ee loo dhoofiyo Qaadadka Ethiopia iyo Kenya, iyadoo aysan jirin wax ganacsi ah oo lagu bedelay lagana dhoofiyo Dekedaha iyi Garoomada Doyaaradaha aamnka aheyn Lacag adag oo cash ah, dhawaaqa Heshiiska ee Wasiirka Kenya ayaa ku soo beegmaaya xilli qeylo dhaan laga soo saaray Caafimaad darrada iyo burbur qoysaska ah uu Bulshada u horseedaayo Cunista Qaadka.

322880cookie-checkWasiirka Beeraha Kenya Oo Shaaca ka qaaday Heshiis lagu Kordhinaayo Tirada Qaadka ay u Dhoofiyaan Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *