Xog:-Dagaalkii Saakay Ka Dhacay Duleedka Laas caanood & Guulo la Kala Sheegtay

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa In ka badan 5-saacadood oo xiriir ah dagaal culus oo ka soconaya duleedka Gobolka Sool ee magaalada Laascaanood, kaasoo u dhexeeya Maleeshiyaadka maamulka Somaliland iyo Dadka Degaanka oo kaashanaaya Xoogaga hubeysan ee SSC-KHAATUMO…

Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in Dagaalka socda uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyadaan, Maleeshiyaadka maamulka Hargeysa ayaa duqeymo aan loo meeldayin ku garaacaya magaalada, kuwaasoo burbur baahsan u geystay guryaha shacabka Laascaanood.

Goobjoogayaal ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Xoogaga Hubeysan ee difaacaaya Magaalada ay soo bandhigeen Gaadiid dagaal iyo Maxaabiis ay uga qabsadeen Maamulka Somaliland dagaalka saakay aroortii hore, Wararka ayaana sheegaya in aagag cusub lagala wareegay Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa dhankeeda sheeganaysa guulo dagaal oo ay saaka gaartay, halka bilaabashada dagaalka ay ku eedeeysay Maleeshiyo beeleed ka soo jeeda Puntland oo garabsanaya kooxo argagixiso ah, Saraakiisha Maamulka Somaliland ayaa xooga isugu geynaya sidii uu aag cusub oo dhanka laamiga ah ugu heli lahaa Maleeshiyaadka ka jooga Aaga Maraaga oo ah tog biyo-mareen ah, ayna ka baqayaan in biyo xooggan kusoo rogmadaan, taas oo gelin karta go’doon.

247190cookie-checkXog:-Dagaalkii Saakay Ka Dhacay Duleedka Laas caanood & Guulo la Kala Sheegtay