Hogaamiye Degaan Oo La Dilay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaano hoos taga Gobolka Bay ayaa sheegaya in Hogaamiye koox iskood isku abaabulay, si ay ula dagaalaan Baada, Dilka, iyo afduubka Caruurta ayaa lagu dilay degaan ka tirsan Gobolka Bay, kadib markii ay weerar ku qaadeen Koox ka tirsan Maleeshiyaadka Shabaabka….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegtay, in Marxuum Bayxalaal Xaaji oo ka mid ahaa Dadka degaanka tuulada Kurtun ayaa lagu warramaayaa in la toogtay, Marxuumka Oo aan la ogeyn cidda dishay ayaa Hogaamiye u ahaa Jameeco hubeysan oo lagu magacaabo Reer-Banaani, kuwaasoo Hubka u qaatay iney degaanka ka xoreystaan Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka.

Xubin ka tirsan Kooxda ayaa sheegay iney is abaabulkoodu uu bilaawday kadib markii degaanka laga affuubtay 3-xubnood oo degaanka ah, isagoo intaasi raaciyay iney dileen 2-dabley ah oo ka tirsan kooxda argagixisada ee Shabaabka.

Xiliyadii ugu dambeeyay Waxaa aad u soo kordhaayay is abaabulka Dadka Shacbka hubkana u qaatay iney iska xoreeyaan Kooxaha argagixisada wallow ay aad u hooseyso taageerada ah ka heelaan Dowlada Federaalka iyo Maamulada Gobolada.

47390cookie-checkHogaamiye Degaan Oo La Dilay