Hogaanka ATMIS ee Ethiopia oo Howlgal ku Xir-xiray Tiro Badan Oo Ciidamadooda ku sugan Baydhabo..

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaya In Hogaanka Ciidamada Ethiopia ee ku howlgala magaca ATMIS (sector-3) ay Howlgal ku qabteen Tiro badan oo ka tirsan Ciidamada Ethiopia kuwaasoo aslkoodu ka soo jeedo Gobolka Amxaarada…

Wararka ayaa sheegay in Hogaanka Ciidanadaan ay hub ka dhigis ku sameeyeen isla markaasna xabsiga dhigeen 130 Askari oo Gobolka Amxaarada ka soo jeeda ah ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo kadib markii ay isku dayeen inay gadood sameeyaan, waxaana ku jira sarkaal taliye Urur ah oo looga shakiyey inuu ciidanka ka dhex abuurayey xiisad dagaal.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmad uu 2diyaaradood oo kuwa Ciidamada u soo diray Saldhigga Baydhabo kuwaasoo lagu soo daabulay Ciidamadaan la qabtay si aysan u saameynin Ciidamada kale, tiro Ciidamo kale ayaa ka baxsaday howlgalkaan qabqabashada kuwaasoo ilaa hadda lagu raad joogo.

Khubarada u dhuun daliila arrimaha Ciidamada ayaa ka digay in dhacdadaan ay fursad u noqon karto kooxda Argagixisada Shababka, xili Ciidamada Dawlada Federaalka iyo kuwa Maamulka Konfur galbeed oo iska kaashanaya wajigii 2-aad ee howlgalka dhanka ka ah Shababka.

270900cookie-checkHogaanka ATMIS ee Ethiopia oo Howlgal ku Xir-xiray Tiro Badan Oo Ciidamadooda ku sugan Baydhabo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com