Hogaanka ATMIS oo Qeylo Dhaan ka soo Saaray Dhaqaale La’aan Baahsan Oo Khatar ku ah Mustaqbalka Howlgalka..

Africa News Security Somalia news

Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Somalia (ATMIS), Maxamed El-Amine Souef, ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu wajahayo dhibaatooyin dhaqaale oo xoogan oo khatar gelinaya mustaqbalka howlgalkaan inkastoo jirintaankiisa uu ka harsan yahay 2-Bilood iyo Bar..

Warbixin qoraal ah oo uu la wadaagay Al Jazeera, Souef ayuu shaaca kaga qaaday in ATMIS ay la daalaa dhacayso caqabado ba’an oo dhanka miisaaniyada ah oo ay xitaa ka fakarayso in ay joojiso howlgalka sababo la xiriira la’aanta maalgelin ku filan, Mr.Souef waxa uu xusay in haatan in howlgalka uu la daalaa dhacayo bixinta magdhowga dhibaatooyinka ay geystaan Ciidamada Nabad ilaalinta ee ATMIS.

Sannadkii hore, Souef wuxuu sheegay in ATMIS ay u baahan tahay ugu yaraan $2 milyan oo taageero deeq-bixiye ah si loo daboolo sheegashooyinka magdhowga, Sheegashooyinkan, oo gaaraya 80 xaaladood oo ay ku lug leeyihiin nabad-ilaaliyeyaasha, ayaa isugu jira dhacdooyin dhimasho iyo dhaawacba leh, kuwaas oo sii xoojinaya xiisadaha ka dhex aloosan ciidamada caalamiga ah iyo bulshooyinka maxalliga ah.

xaaladahan waxaa ka mid ah xasuuqii 2021 ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo dad badan oo beeralay ah lagu xasuuqay, taasoo keentay welwelka ballaaran ee ku aaddan la xisaabtan la’aanta  nabad ilaaliyaasha ku sugan deegaannada ay colaaddu ka jirto, Xasuuqaas ayaa mugdi geliyey howlgallada ATMIS, taasoo keentay su’aalo ku saabsan mas’uuliyadda ciidamada caalamiga ah ee ilaalinta rayidka iyo xaqiijinta Caddaalada.

346540cookie-checkHogaanka ATMIS oo Qeylo Dhaan ka soo Saaray Dhaqaale La’aan Baahsan Oo Khatar ku ah Mustaqbalka Howlgalka..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *