Burburka Xulufada Maamulka Farmaajo Iyo Eelka Ay Rebi Doonto

Somalia news

Waa Iska Caadi Dhaqanka Siyaasiyiinta Soomaalida, mar la gaaro xiliga kala guurka in Kooxdii wada socotay ee Maamulka ay kala leexdaan, iyagoo ka Faa’iideysanaaya Xiliga lagu jiro, Maamulka Villa Somalia ayaa ku faani jiray iney Khilaaf la’aan dhameysanayaan muddo xileedka…

Maalmihii u dambeeyay waxaa socdey qorshe dhinacyada siyaasaddaa Hogaanka dalka, Kula irdhoobeen, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin, ayaa sida Volkanaha Oo kale waxaa qarxay in Laba garab u kala jabaan Hogaanka Dowlada Federaalka.

Madaxweynaha (Farmaajo)

Gudoomiyaha Barlamaanka (Mursal)

Kuxigeenka 1–aad ee Barlamaanka (Muudey)

Kuxigeenka 2-aad ee Senate-ka (Guhaad)

Ra’iisul Waasare Kuxigeenka (Mahdi)

Garabka Wasiirka 1-aad (Kheyre)

Gudoomiyaha Senate-ka (Xaashi)

Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad (Bukhaari)

Kuxigeenka 2-aad ee Barlamaanka (Cawad)

Marka la eego muddada yar ee ka harsan xilligii ay ku ekeyd Goloyaasha Dowladda Federaalka ah, marka la eego wada shaqeyn la’aanta wakhtiga dheer soo jiitameysey ee u dhexeysey Dowlad goboleedyada iyo xafiiska Madaxweynaha, marka la eego damaca waalida ku dhisan ee Xildhibaanada Golaha Shacabka, marka la eego sida beesha caalamku aysan dan weyn uga lahayn arrimaha hadda socda, marka la eego kala qaybsanaanta Dowlad goboleedyada oo qaarkood noqdeen kuwo aad u taagdaran oo ku xiran Dowladda Federaalka, waxaa kuu soo baxaya in heshiis la gaaro aanu deg-deg ku imaaneyn waxkastana ay yihiin macquul.

Danaha is-Diidan:-

Mr.Farmaajo, wuxuu taamayaa inuu helo muddo kororsi si uu u qabto doorashadii uu ka gaabiyey ee hal qof iyo hal cod haddiiba uu qaban karo, xafiiskana sii joogo muddo dheeraad ah inta uu khamaari lahaa oo qaban lahaa doorasho degdeg ah oo aanu ogeyn guusheeda, waxaana talaabadaani la dhacsan Danjirayaasha USA, Qatar iyo Ethiopia.

Xildhibaanada labada Aqal waxaa kaga baxay dedaal aad u dheer inay noqdaan Xildhibaano, badankood waxaa uga baxay Dhaqaale aad u badan, Xildhibaanada labada Aqal badankood waxaa ka go’an in dib loo soo doorto ama ay xafiiska sii joogaan. Haddaba haddii ay dhab noqoto riyada Farmaajo ee muddo kororsiga.

Beesha Caalamka:-

Beesha Caalamku haddii ay ku sii jirto nidaamka ay hadda ku dhaqmeyso, waxba kama qaban karto in goloyaasha Barlamaanka ay samaystaan muddo kororsi, waxaana beddeli kara aamusnaantooda waa haddii uu dhaco kacdoon dadweyne oo mucaaradkuna hoggaamiyaan, sidoo kale beesha caalamku waxay cadaadis ku saari kartaa Dowladda Federaalka ah, in beesha Caalamku ay xoojiso xiriirka ay la leedahay Dowlad goboleedyada oo ay dib u soo celiso wax la mid ah Dual track qorshihii loogu yeeri jirey markii dalku ku jirey kumeel-gaarka.

Waxaa laga rajo qabaa in Go’aanada Kulanka shirka Dhuusamareeb1-2 ee Dowlad goboleedyada, Iyo Go’aanada ay Soo saareen ku adkeystaan, waxey horseedi kartaa inay la yimaadaan culeys siyaasadeed oo bareega u qaban kara tareenka muddo kororsiga ee hadda dib u soo laba kacleeyey.


48280cookie-checkBurburka Xulufada Maamulka Farmaajo Iyo Eelka Ay Rebi Doonto