Maxaa Xiligaan Khilaafka Dowlada Keenay

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Maamulka Farmaajo Mr. Xasan Cali Kheyre ayaa shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaah Wasiirada wuxuu ku baaqay in xukuumadiisa u diyaargaroobaan sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen in dalka ay doorasho ku dhacdo…..

“Afartii sano waa in mar doorasho la galo, doorasho dadka intooda badan isla oggol yihiin sida “stake holders” badankood ama kuligood qeyb ka yihiin.” “Doorasho ayaa ka dhici jirtey dalka nooceey rabto ha ahaatee, waana tan sharciyada aaan halkan ku joogno na siisay.”

Haddaba qodobka doorashada ee keligiis ka hadley shirkii maalintii Khamiista ayaan war saxaafadeedkii ka soo baxay Xukuumadda lagu darin, laakiin waxaa lagu baahiyey barta Twitterka iyada oo muuqaal ah, waxaa la is weydiinayaa sababta markii u horeysey uga hadley arrintan.

Dadka sida dhow ula socda arrimaha siyaasadda Dalka ayaa sheegaya in Wasiirka 1-aad uu aad u saluugay Barnaamij Siyaasadeedka Mr.Farmaajo, iyadoo dhawaaqaan uu soo baxay xilli Maamulkaan cagaha la galay xaaladda kala guurka ah iyo in aan far iyo faraati la isu sii noqoneyn wixii hadda ka dambeeya Kooxdii Nabar iyo Naxli.

Qaar kamid ah Dowlad goboleedyada ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka iyo weliba sharciga doorashada ee labada Aqalba ay ansixiyeen.

Waxaa la sugayaa maalmaha soo socda halka gaariga Mr.Farmaajo u jiheysan doono oo isagu ku doodayo in dalkaan laga hirgelinayo doorasho hal qof iyo hal cod ah, taasoo ah wax ka fog caqliyadda in lagu qabto mudada harsan.

38260cookie-checkMaxaa Xiligaan Khilaafka Dowlada Keenay