Hogaanka Dooxa Oo U Afduuban Hanaanka Dowladeed Ee Somalia

Somalia news

4-tii sano ee uu Majaraha u hayay talada Dalka Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa sheegay in Xukuumada Dooxa ay aheyd Dalka kaliyah oo Dalkaan Nabad iyo xasilooni u diiday in lagu dabaalo, waxaana u afduuban Hanaanka Dowladnimo, iyagoo u soo dhoofiyeen Koox argagixiso ah oo gacan saar la leh Islaamiyiinta Hubeysan ee xag jir ah…

Maamulka Bedouin-ka ah Ee Dooxa ayaa lagu eedeeyaa iney xiriir sokeeye la leeyihiin dhamaan kooxaha kala duwan Ee Mintidiinta hubeysan ee dagaalada ka wada Dalalka Islaamka gaar ahaan Somalia, Dowladda Qatar ayaa la xaqiijiyay iney xiriir toos ah la leedahay Horjoogayaasha Kooxda Shababka, iyagoo ka qeyb qaatay wada hadalo lagu siideynaayo La-heyatayaal u Afduuban kooxda isla markaasna dhaqaalaha (Madax furashada) si hormaris ahaan u siiyay.

Sidoo kale Waxaa la xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay ku cadaadiyeen iney wada hadalo la yeeshaan Kooxda argagixisada Shababka Iyo Daacishta Somalia, warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in Saraakiisha Sirdoonada Qatar Ee ku sugan Magaalada Mogadishu ay xiriir isgaarsiineed oo joogto ah la leeyihiin Horjoogayaasha Shababka, iyagoo Hogaanka NISA u dhiibtay Shaqsi Adeege u ah.

Qeylo Dhaan ay shalay soo saareen Dowladaha Khaliijka ayeey ku eedeeyeen Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Xil gaarsiinta Dalka Lebanon Mr.Wehbe inuu sheegay “ Ma oggolaan karo iney Hogaanka Dalalka Khaliijka noo soo dhoofiyaan (Lebanon) argagixiso isla markaasna sharafkeena meel uga dhacaan Kooxaha Bedouin-ka.

Maxaa Diidaya in Shacbiga Soomaaliyeed ay dhaleeceeyaan Maamulka Bedouin-ka ah Ee Dooxa iney faraha kala baxaan Arrimaha gudaha Ee Somalia, kuwaasoo muddo 8-sano ah fara gelin u afduuban Siyaasiyiinta Soomaalida isla markaasna dhaqaale u balan qaada, ujeedada Maamulka Dooxa ayaa ah ineysan dalkaan ka hirgelin Nidaam Demuqaraadi ah oo Dadka ay soo doortaan.

119510cookie-checkHogaanka Dooxa Oo U Afduuban Hanaanka Dowladeed Ee Somalia