Miyeey ICJ Joojineysaa Dacwada Badda Kenya vs Somalia

Somalia news
Sida lagu Qoray maqaal ka soo baxay Wargeyska The Star.co.ke ayaa lagu qeexay in Dowladaha Kenya iyo Somalia ayaa la sheegay inay si hordhac ah ugu heshiiyeen inay si siman (50/50) u wadaagaan wixii dakhli shidaal ah ee ka soo gala muranka saddexagalka badda (eeg Sawirka)…

Heshiiskan ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Maamulka Qatar, wuxuuna uu horseeday in dhowaan uu dib u soo celiyaan xiriirkii diblomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya, inkastoo Heshiiskaasi u burburay kadib markii Danaha Ganacsi Ee qoyska Farmaajo (Walaalkiis) uu horseeday. Laba sano ka hor Qatar waxay ka iibsatay baloogyo saddex-xagalka badda ah shirkadda shidaalka laga leeyahay Talyaaniga ee ENI oo ay soo saartay Kenya.
Talaabadani ayaa noqon laheyd guul u soo hoyatay Qatar iyo Kenya, Bacdamaa la xaqiijiyay in Maamulka Uhuruu uu la soo Shir tagay dacwad daciif ah (Weak case) maaddaama heshiisyada badda uu dhigaayo in xuduud kasta oo dhinaca badda ah ay ahaato mid ku teedsan xeebta.

Inkastoo guul ka soo hoyn laheyd Qatar maadaama ay muujineyso in waddanka yar ee Khaliijka uu leeyahay muruq diblomaasiyadeed iyo awood dhaqaale oo ay la heyste uga dhigtay Maamulka Farmaajo.

https://www.the-star.co.ke/opinion/leader/2021-05-19-icj-should-now-drop-kenya-somalia-case/?utm_term=Autofeed&utm_medium=Social&utm_source=Facebook#Echobox=1621386607

119570cookie-checkMiyeey ICJ Joojineysaa Dacwada Badda Kenya vs Somalia