Farmaajo Oo Ku Guuldareystay Inuu Xubno Ku Yeesho Kulanka Teendhada Afisioni

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa in Farmaajo iyo Fahad ay culeys ku saareen Wasiirka 1-aad Ee Xukuumada xil gaarsiinta Rooble inuu ku daro Liiska Xubno Madaxtooyada ka tirsan Howlwadeenada kala shaqeynaayay Kulanka 20-ka bishaan kaasoo lagu wado inuu ka dhaco Teendhada Afisioni..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Mr.Rooble uu diiday isku day la doonayay in Cabdi Cali Raage oo ah La taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka in Xafiiskiisa loo soo wareejiyo iyo xubno kale oo ka tirsan Shaqaalaha Madaxtooyada iyo NISA si ay ugala shaqeeyaan shirka 20-ka May.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hoggaamin doona shirka ka furmi doona Teendhada Afisyooni ee looga hadlayo hirgelinta doorashooyinka, labada maalin ee ugu soo horeysa ayaa la filayaa inay Muqdisho soo gaaraan Wufuuda Dowlad Goboleedyada.

119480cookie-checkFarmaajo Oo Ku Guuldareystay Inuu Xubno Ku Yeesho Kulanka Teendhada Afisioni