Hogaanka Suufiyada Oo Diiday..

Politics

Fahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya kulan adag oo la isku fahmi waayay oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb kuna dhex maray Odayaasha Dhaqanka Galmudug iyo Hoggaanka Ahlu suna, iyadoo looga hadlayay xaaladda ku soo korortay Xarunta Gobolka Galgaduud…

Odayaasha Dhaqanka oo dareen xasaasiya ka muujiyay dhaqdhaqaaqyada iska soo horjeeda ee ka jira Magaalada Dhuusamareeb ayaa shalay kulan ku yeeshay magaaladaasi, iyagoona isu raacay in loo istaago wax ka qabashada xiisadda ka jirta magaalada.

Magaalada ayaa waxaa laga dareemay inay colaad ka soo fool leedahay Ciidamada Dowladda ee taageeraya Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda iyo Ahlu Sunada Galmudug.

Garabka Villa Somalia oo Axadii la kulmay Xoogaga Amaanka ayaa ku wargeliyay inay u diyaargarooban dagaal ka dhan ah Ahlu Sunna, kadib markii uu ku eedeeyay inay diiday in xal laga gaaro khilaafka labada dhinac.

Madaxda Ahlu Sunada Galmudug oo xogtaasi helay ayaa isla Axadiiba kulan aan caadi ahayn ku yeeshay Xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb, go’aanka ka soo baxayna uu ahaa in lala dagaalamo Ciidamada Dowladda, haddiiba ay dhacdo inay fuliyaan awaamiirta Qoorqoor.

Odayaasha Dhaqanka ayaana bilaabay dadaalo ay tahay in looga baaqsado suurtagalnimada dagaalka ka qarxa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

17480cookie-checkHogaanka Suufiyada Oo Diiday..