Madaxweynaha Puntland Oo Lagu Eedeeyay inuu Leexsaday Gunnoyinkii Shaqaalaha

Uncategorized

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Shaqaalaha Rayidka ah ee Maamulka Puntland qeylo dhaan ka soo saaray ineysan helin xuquuqdii Gunnooyinka tan iyo bishii Novembar ee kal hore, kadib markii Maamulka Dani uu u weeciyay Dhaqaalahaasi Arrimaha Siyaasada…

Xogtaan ayaa sheegtay in Mr.Dani oo bilooyinkii ugu dambeeyay ku guda jira muddo xileedkiisa isla markaasna Dubai Dalxiis u jooga, ayaa xuquuqdii shaqaalaha Rayidka ah u kala qoondeeyay laba qeybood, Hirgelinta doorasho hal dhinac ah iyo u diyaar-garowga Madaxtinimada soo socota.

Qorshaha Deni ayaa salka ku heysa inuu u adeegsado dhaqaalahaasi socod-siinta Ololihiisa Siyaasadeed, iyadoo qeybta 2-aad uu ku doonaayo inuu Xildhibaanada ku soo xusho hadii loo noqdo Nidaamka Doorashada ee 66-Xildhibaan isla markaasna u ku fashilmo Doorashada Qof iyo Cod.

Qeybo ka mid Shaqaalaha iyo Qoysaskooda ayaa wajahaaya xiligaan lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan Xaalad adag maadama dhaqaalihii ay ku tiirsanaayeen oo aheyd Gunooyinka ay ka helaan Maamulka Puntland aysan helin muddo 5-bilood ah, iyadoo Dhaqaalihii qeybo ka mid ah la sheegay in la siiyay dulaaliin iyo Shaqsiyaad u Guulwadeeya Mr.Dani ee Doorashada halka dhinac ah.

248880cookie-checkMadaxweynaha Puntland Oo Lagu Eedeeyay inuu Leexsaday Gunnoyinkii Shaqaalaha
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com