Hogaanka Suufiyada Oo Garoowe Degay…

Politics

Todobaadkui tagay ayaa Waxaa Magaalada Garoowe gaaray Gudoomiyaha Hogaanka Ahlu Sunnah Macallin Maxamud iyo xubno ka mida Saraakiisha Ururka, maanta Madaxii Xukumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa gaaray Magaaladda Garoowe….

Safarka uu Sheekh Shaakir Cali Xassan uu ku tagay Garowe waxaa  ku weheliyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Wafdiga waxaa ka mida  ahaa Saadaq Sheekh Yuusuf Wasiirka Amniga Galmudug.

Dhanka kale waxaa shalay la wareejiyay Hubkii Al Sunna kaas oo lagu wareejiyay beelaha ay Al Sunna Wajameeca ku abtirsadaan. Talabadaan ayaana waxa ay abuurtay walwal kaas oo lagu sheegay in uu jirto qorsho cusub oo Al Sunna ay ku doonayso in ayan lugaha kala bixin guud ahaan siyaasada Galmudug, laakiin ay fasax ka qaadanayaan.

Hoggaanka ururka Ahlusunna oo in ka badan 12-sannadood ka talinayey gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowaan isku dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii looga adkaaday dagaal halkaas ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda.

20540cookie-checkHogaanka Suufiyada Oo Garoowe Degay…