Maamulka Hargeysa oo Shaaciyeen Deyn aan la ogeyn lagu leeyahay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya Maamulka Somaliland uu qirtay in lagu leeyahay deyn dhan $45 Millions, dayntaasi oo aan hore loo ogeyn, Wasiirka Maaliyada ayaa sharaxaad ka bixiyay sida deyntaan loogu yeeshay iyo cadadkeeda…

Wasiirka Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire oo hortagay Guddida Dhaqaalaha ee golaha wakiilada ayaa sheegay “Deynta 45 milyan ee aan sheegay %56 waxaynu kala soo wareegnay dowladihii hore, dowladanba maaha, intii hore iyo intanba markaad eegto runtii meesha lacagtu ku baxday waa kaabayaal, waliba kaabayaashi aynu dib u qaramaynay ayaa %40 ka ah, %49 waxa ka ah wax la xidhiidha amniga ama saanad ciidan”.

Wasiirka ayaa sheegay in xogta deyntu kaydsan tahay isla markaana mid kastaba xiligeeda si nidaamsan loo bixiyo, Inkastaoo la aaminsana in Maamulka Biixi ay deyn kala soo wareegtay Maamuladii ka horeeyay hadana, may jirin cid ogayd cadadka saxda ah ee daymaha lagu leeyahay.

226630cookie-checkMaamulka Hargeysa oo Shaaciyeen Deyn aan la ogeyn lagu leeyahay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com