Horgalaha Waqooyiga Somalia Oo Maleeshiyaad iyo Gadiid Dagaal u Diray Furumaha..

Somalia news

Warar dhiilo colaadeed xambaarsan ayaa laga soo sheegaya Aagaga dagaal ee Degaanada degaanada la isku hordhiyo, kadib markii Maleeshiyo beeleedyo iyo Gaadiid dagaal uu Horgalaha Maamulka gooni goosadka Waqooyiga Somalia uu geeyay furumaha si uu dagaal rogaal celin ah ugu qaado Degmada Laas caanood..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in xalay Saqdii dhexe ay gaareen Degaanada kor ku xusan tiro badan oo Maleeshiyaad ah, 4-BM, 6-Qoriga D30-ka ah, 3-Zuug iyo Hal taangi, iyadoo wararku ay intaasi raacinayaan in Hubkaan ay isugu jiraan kuwi ay ku deeqdeen Maamulka Abiy ee Addis abeba, halka kuwo kale qalab dayactir oo ay ciladtireen Farsamo yaqaano Ethiopian ah.

Wararka ayaa sheegaya in aagaga dagaal ee degaanada Oog iyo goojacadde dhinac ah Burco vs Buuhoodle laga dareemay saansaan colaadeed, iyadoo dhinacyada isku horfadhiya ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay, ilaa hadda ma jiraan dhaqdhaqaayo lagu xoojinaayo Nabada.

327680cookie-checkHorgalaha Waqooyiga Somalia Oo Maleeshiyaad iyo Gadiid Dagaal u Diray Furumaha..