Weerar Duweyn ah Oo Lagu Beegsaday Kooxda Daacishta Somalia Kana dhacay Buuraleyda Puntland

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar duqayn ah oo dhan ka ah Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacday buuraleyda Calmis ee Gobolka Bari, sida ay sheegay ilo wareedyo loo qaateen ah iyo Dadka Degaanka..

Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in weerarkaan Duqaynta ah oo ahayd mid xooggan ayaa sida la xaqiijinayo lagu beegsaday Horjoogayaal ka tirsan argagixisada oo ku dhuumanayay godad ku yaal buuraleyda Degaanka Qandala.

Xogaha dhinaca amniga ah ayaa xaqiijinaya in Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM oo kaashanaya sirdoonka degaanka ayaa fuliyay Hawlgalkaasi, Maraykanka iyo Maamulka Goboladaasi ayaan weli ka hadlin khasaaraha duqayntaas lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Daacish.

251330cookie-checkWeerar Duweyn ah Oo Lagu Beegsaday Kooxda Daacishta Somalia Kana dhacay Buuraleyda Puntland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com