Nin Dhalinyaro ahaa oo ka soo Jeeda Degaanka Guricel oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo 

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa fal dil ah oo ay geysteen Ciidamada Dowladda Federaalka kuwaasoo fariisinkoodu yahay Konfurta magaalada Gaalkacyo waxeyna ku dileen Wiil Dhalinyaro ah oo ka soo jeeda degaanka Guriceel ee Gobolka Galguduud…

Wararka ayaa sheegay Marxuum Mascuud Cabdulqaadir Dhoore oo xalay ka soo laabtay Magaalada Boosaaso, halkaasoo uu ka soo kaxeystay gaari uu kala soo degay Dekedda Boosaaso, ayaa isagoo dhex maraya Koonfurta magaalada Gaalkacyo ay haleeshay rasaas ay furayn Ciidamada Kumaandooska Danab, taasoo aan la ogayn sababta ka dambeysa.

Marxuumka ayaa u geeriyooday rasaasta haleeshay una geeriyooday kadib markii la geeyay isagoo dhaawac ah Isbitaalka magaalada, Saraakiisha Amiga iyo Maamulka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaan weli ka hadlin dilka ninkaasi dhallinyarada ah loogu gaystay Koonfurta Gaalkacyo.

Marxuumka oo caan ka ahaa Magaalada Guriceel ayaa waxa uu ku lahaa goob lagu iibiyo qalabka baabuurta ee Spare Parts-ka, Faarax Cabdi Macalin (Anas), Gudoomiyaha Degmada Guriceel ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga tacsiyadeeyay geerida marxuumka.

213040cookie-checkNin Dhalinyaro ahaa oo ka soo Jeeda Degaanka Guricel oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com