Horjoogayaal ka tirsan Argagixisada Shababka ayaa Xayiraado & Cunaqabateyn lagu soo rogo..

Somalia news

Golaha Amaanka ayaa loo gudbiyay warbixin la xiriirta Horjoogayaasha Saameynta ku leh howlgalada kooxda Argagixisada Shababka, talaabadaan oo barbar socota Nidaamka Istraateejiyada dagaalka lagu jiro, iyadoo la sheegay in Dowlada Federaalka ay diyaarisay qorshe Ciidaan ahaan awoodooda loo wiiqo iyo Fekir ahaan…

Warbixino Sirdoon ayaa daaha ka rogaaya in Horjoogayaasha Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir (Ikrama) oo horey loo sheegay in duqeyn lagu dilay iyo Horjooge Maxamed Maxamuud Mire oo lagu wada eedeeyay Maalgelinta, Qorsheynta Howlgelinta, diyaarinta ama fulinta falal lidi ku ah Amaanka iyo xasilinta Dalka iyagoo kaashanaaya Horgalada iyo Maleeshiyaadka Kooxda Shababka.

Somalia ayaa muddo la soo dagaalameysay Argatitlyada Xag-jirnimada ee rabshadaha wata, iyadoo la odorasaayo in marka la gaaro bilowga Sanadka soo socda ay kooxaha argagixisadu lumin doonaan degaano badan waase hadii ay Dowladu la timaado qorshe cad oo aan ku dhisneyn fudeyd iyo laab kac, iyadoo maanka lagu hayo casharadii laga bartay khasaare ka dhashay Howlgalka Wajigiisa 1-aad.

328170cookie-checkHorjoogayaal ka tirsan Argagixisada Shababka ayaa Xayiraado & Cunaqabateyn lagu soo rogo..