Ma Dhabaa in Koox Burcad Badeed ay Xeebaha Marka ka Afduubteen Markab Ganacsi…

Somalia news

Sida laga soo xigtay ilo warredyo loo qaateen ah iyo Hey’adda La socodka dhaqdhaqaaqyada Maraakiibta Xamuulka, waxaa laga Afduubtay Markab Ganacsi meel ku dhow xeebta Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelada hoose, waxaa loo badinayaa koox Burcad Badeed Soomaali oo hubeysan iney afduubteen…

Wararka ayaa sheegaya Kooxdaani oo watay labq doomood oo kuwa dheereya ay Afduubteen Markab Xamuul meel u jirta Xeebta Marka 420NM ee dhinac konfur galbeed, ilaa hadda lama yaqaano tiradooda dhabta ah iyo iney ka soo jeeda Degaanada Konfurta Somalia, balse waa waa ugub ah in xeebahaasi ay ka howlgalaan kooxaha Burcad badeedka.

Caadiyan Kooxaha Burcad badeed ayaa si abaabul uga howlgal degaanada Puntland, kuwaasoo Maamulka Dani lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay wax ka qabashada kooxahaan oo ay ku jiraan Xoogaga PMPF oo muddo aan qaadan wax gunno ah, kadib markii Maamulka uu ka gaabiyay inuu bixiyo Xuquuqda Xoogagan iyo kuwa kale ee Maamulka hoos yimaada.

328200cookie-checkMa Dhabaa in Koox Burcad Badeed ay Xeebaha Marka ka Afduubteen Markab Ganacsi…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *