Share the post "Howlgalka AUSSOM Oo Soo Food Saartay Cabsi & Shaki la Xiriirta Maalgelinta ee Golaha Amaanka.."
Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysa in waalaca laga qabo hirgelinta & maalgelinta Howlgalka AUSSOM ee Somalia oo soo food saartay tuhun ah in dhaqaale loo waayo Howlgalkaasi, iyadoo Maamulka USA ay dabayaaqadii sanadkii tagay ay ka aamuseen iney taageeraan Cod bixin Golaha Amaanka u qaaday…
Wararka ayaa sheegaya in shaki laga muujiyay kulanka la filaayo inuu ka qabsoomo xarunta Golaha Amaanka ee Magaalada New york 15-May-2025, si loo ansixiyo maalgelintia Howlgalja AUSSOM, iyadoo kacaga jiidka Dowlada Mareykanka uu ka dhashay habka maalgelinta isku dhafka ah ee Howlgalka ee lagu qeexay qaraarka Tirsigiisu ahaa 2719.
Nidaamkaan ayaa ogolaanaya in ilaa 75% Miisaaniyadda Howlgalada Nabada ee uu Midowga Afrika hogaamiyo ay daboolaan dhaqaalaha lagu bixiyo xisaabta Qaramada Midoobay, Codbixin go’aan ka gaarid ah oo Golaha Amaanka uu ka yeelan doono in lacagtan loo sii daayo AUSSOM ayaa loo qorsheeyay 15-ka May.
Hawlgalkan, oo la bilaabay Janaayo 2025, ayaa durba wajahaya dhibaatooyin dhaqaale oo baahsan, Sida ay shaaciyeen Golaha Nabada iyo Amaanka ee Midowga Afrika, wuxuu u baahan yahay qiyaastii $90.4 milyan si uu u sii wato hawlihiisa inta u dhaxaysa Janaayo ilaa Juun oo keliya.
Mareykanka ayaa ka digay in “Somalia ma ahan goob ku haboon oo lagu tijaabiyo habka maalgelinta ee la soo jeediyay”, waxeyna sheegeen in 90% in Nidaamkaasi uu dabooli karo dhaqaalaha Howlgalka, iyadoo Mareykanka uu ugu dambeyntii ka aamusay taageeridda Qaraarka 2767, kaasoo fasaxay gaynta AUSSOM, isagoo sabab uga dhigay walaac aan weli laga xalin oo la xiriira hufnaanta maaliyadeed iyo maamulka howlaha.