Burbur Ku Yimid Ciidamada Caburinta Loo Dhisay Ee Haramcad

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya in Burbur iyo kala daadasho ay soo food saartay Ciidamada caburinta loo dhisay ee loogu magac daray (Haramcad), Ciidamadaan oo dhismihiisa ay soo bilaabeen Ciidamada Carabiniere Talyaaniga sanadkii 2012-kii kuwaasoo ujeedada loo dhisay ay aheyd sidii Boliiska u yeelan lahaayeen Ciidamo Gurmad ah oo degdeg u howlgala….

Maamulka Farmaajo ayaa bedelay Ujeedada iyo nuxurka loo dhisay Ciidankaan, wuxuuna qandaraas ku siiyay Turkiga Tababarada iyo Qalabeynta, iyadoo ay maalgeliyeen Dowladda Qatar, Tirada Ciidankaan ayaa lagu qiyaasaa ilaa 3000, waxaana Madax looga dhigay Horjooge horey uga tirsanaa Shababka iyo NISA, iyadoo inta badan Dhalinyaradaan ka howlgasha ay horey ula soo shaqeeyeen NISA iyo Shababka.

Maxaa Horseeday Burburka Haramcad:-

Ciidamadaan ayaan ka mid aheyn Ciidamada Qalabka Sida isla markaasna Sharciyada ay ku howlgalaan far lagu goday, waana Sababta si inuu ku dhex kulmay in loo adeegsado dano gaar ah, Shalay ayaa Taliye Kuxigeenkii Ciidankaan Mr.Muumin Ciise Axmed uu kala soo goostay Gaadiid iyo Hub, wuxuuna ku biiray Xoogaga Hubeysan ee Mucaaradka Ee fariisinkoodu yahay Degmada Hodan, “Captan Muumin oo ah Sargaalkii ugu miisaanka cuslaa Ciidanka Haramacad iyo ciidamo uu wato ayaa galabta ku soo biiray Ciidanka Badbaado Qaran” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Dhanka kale, Waxaa xalay Xabsiga la dhigay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Haramcad laguna magacaabo Cabdixakiin Saciid (Ceel-dheere) iyo Shan kale, kana mid ah xubnaha ugu firfircoon Ciidankaan, waxaana looga shakiyay iney u goosan rabeen Xoogaga Hubeysan ee Mucaaradka farsiinka ku leh Degmada Hodan ee Magaalada Mogadishu.

116270cookie-checkBurbur Ku Yimid Ciidamada Caburinta Loo Dhisay Ee Haramcad