Dhaqan-Qarin oo Maamulkii Farmaajo Caan ku ahaa Ayeey Qaateen Kooxda cusub ee Villa Somalia la Wareegtay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa tilmaamaya in tiro ka mid ah Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan Caasimada Dalka Imaaraadka ayaa la soo warrinayaa in laga helay Corona Virus taasoo sababtay in maalmo dheeraad ah ku dartay safarka oo qorshihiisa hore ahaa laba maalmood…

Saraakiisha Madaxtooyada Somalia ayaa qarisay inay sheegto sababta waqtiga dheeraadka loogu kordhiyey safarka Madaxweynaha, iyadoo dhaqankaan qarinta uu Maamulkii hore ee Madaxweyne Farmaajo caan ku noqday arrimaha Dabiiciga ah.

Inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh uusan ku dhicin Coronavirus, haddana Madaxda Adduunka ma qariyaan marka uu asiibo cudurkan, waana wax caadi ka ah Adduunka oo aanay ceeb aheyn qofka uu ku dhaco Corona Madaxda iyo wafdigooda.

Heerka fayraska ee Imaaraadka ayaa kor uga kacay 200% maalintii ilaa in ka badan 1,400 oo tiro maalinla ah uu gaaro toddobaadkan, laakiin dhakhaatiirtu waxay sheegeen in dad yar ay u baahdeen daawaynta isbitaalka, tiro yar oo bukaanna ahna ay qabeen burikiito ama hargab (qabow).

196750cookie-checkDhaqan-Qarin oo Maamulkii Farmaajo Caan ku ahaa Ayeey Qaateen Kooxda cusub ee Villa Somalia la Wareegtay