Ilaalada Madaxtooyada Oo Dhibaato Ku Haya Dadka Rayidka

Politics

4-tii maalmood ee ugu dambeysay, Waxaa Dadka Rayidka ah Dhibaato xoogan, jirdilo iyo Hanjabaado u geysanaayay Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada, iyagoo joojiyay isticmaalka Wadooyinka agagaarka Xarunta…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Ciidankaan ayaa dadka lugeynaya weydiiya aqoonsi ama qof damiin ah haddii ay keeni waayaan waxaa loo diidaa in ay maraan wadadaas lamana sheegin sababta.

Xalay ayaa ugu darneyd waxaana la joojiyay dhamaan dadkii wadadaas marayay oo ay qaarkood aqoonsiyo heystaan, waxaana soo baxaya warar sheegaya inay jirto cabsi la xiriirta inay suurta gal ay tahay in magaalada ay dagaalo ka qaraxaan.

Wararka ayaa sheegaya in xaafadaha ku dhow dhow Madaxtooyadda Villa Somalia in xalay xiliga afurka kadib lagu arkey askarta ilaalada u ah Mr.Farmaajo oo Jirdilo iyo cabsi gelin aan horey loo arag kula kacaya dadka deriska la ah Madaxtooyadda ee degan xaafadaha kala ah Ex-fiyoore, sheekh-suufi, xaawo-taako jiiro-maafiyo, SYL, 88, Sayid, iyo xarunta dhexe ee Booliiska JFS (Commando Polizia).

Lama oga sababta ka dambeysay, Hanjabaadaan iyo jirdilka noocan ah ee aan horey loo arag, balse waxaa la rumeysan yahay in Mr.Farmaajo ay soo wajahday cabsi xoog leh uu ka qabo in shacabka ay ku mudaaharaadaan kaddib kalfadhiga BJFS ee lagu wado in Guddoomiyaha Doorashooyinka Xalino Yarey ay ku dhawaaqdo in Dalka.

35000cookie-checkIlaalada Madaxtooyada Oo Dhibaato Ku Haya Dadka Rayidka