Qarax Ka Dhacay Degmada Hodan

Health

Qarax ayaa ka dhacay Xaafada Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Benadir, sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah oo la soo gaarsiiyay Diinah.com, waxeyna sheegayaan inuu ahaa qarax Miino.

Wararkii ugu horeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya in ilaa saddex qof ay ku dhaawacmeen qaraxa oo ahaa miinada dhulka la geliyo, iyadoo la gaarsiyay isbitaallada Magaalada qaarkood.

Qaraxa oo ka dhacay Isgoyska Terabunka ayaa la sheegay in loo waday Gaari kuwa Ciidamada ah balse uu ka badbaaday, Qaraxa ayaa dhaliyey qasaare u badan dhaawacyo, waxaana qaraxaasi waxyeelo kasoo gaartay Mooto Bajaaj goobta mareysay oo qalibantay markii qaraxu dhacay, iyadoo dadkii saarnaa ay ku dhawacmeen.

34940cookie-checkQarax Ka Dhacay Degmada Hodan