Ilaaladii Isbitaalka Martiini Oo Laga Qaaday

Health

Kadib markii ay soo shaac baxday fadeexada la xiriirta in Mashinada Caawiya Neefsashada ee Macaawinada lagu keenay Loo qaaday Madaxtooyada Villa Somalia, isla loona xiray Wariye arrintaasi..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo uu amar kale soo saaray in Ciidamadii Xoogga Dalka ee Ilaalada ka ahaa Dhismaha Isbitaalka Martiini iyo kuwa joogay Albaabka hore laga qaaday iyadoo lagu bedelay Ciidamo kale oo cusub (Bac/ka/sii) una badan Beesha Madaxweynaha.

Ciidamadaan laga qaaday Isbitaalka ayaa ahaa kuwo 40-sano ku dhowaad joogay Isbitaalka, waxaana lagu eedeeyay iney Qeyb ka ahaayeen in wac ka ogaayeen markii Laga saarayay Isbitaalka Mashinka, Ciidamadaan oo Odayaal u badan ayaa la geeyay Xarunta Isbitaalka Xoogga.

Ma ahan marka ugu horeysay ay cadaato in Mr.Farmaajo iyo Maamulkiisaba ay yihiin daneestayaal kamacaasha dhibaatada Shacbiga, waxaana loo jeediyay baaqyo la xiriira iney si degdeg u siidaayaan Wariye Gurbiye.

28020cookie-checkIlaaladii Isbitaalka Martiini Oo Laga Qaaday