Raashinka Soomaalida Caanka Ku Tahay oo Digniino Caafimaad laga soo saaray…

Health Somalia news

Khubaro Caafimaad ayaa qeylo dhaan ka soo saaray in Raashinka ay Soomaalidu u badan yihiin, sida kuwa subaga leh, Saliida ku badan tahay iyo dufanka xoolaha oo laga helo hilibka aysan u wanaagsaneyn caafimaadka beerka, isla markaasna aysan jimicsi sameynin oo fadhigoodu badan…

Waxyaabaha ay caanka ku tahya Soomaalida ayaa waxaa ka mid ah Oodkaca, oo ka mid ah waxyaabaha ay dufantu ku badan tahay. “Dadkeenna Soomaalida waxay u badan yihiin cunnooyinka dufanka leh ee xoolaha ka yimaada, subagga, waxyaabaha aadka loo shiilo, saliidda aadka u badan. Dadka qaar waxaa laga yaabaa inay cabaan macsarada amaba ay cuntada ku badiyaan. Cunnada daqiiqda ku badan ayaa sidoo kale ka mid ah.” Sidaas waxaa sheegay Dhakhtar Caafimaad.

Kuwa daqiiqdu ku badan tahay ayaa waxaa ka mid ah baastada iyo bariiska noocyada qaar, iyo sidoo kale cunnooyinka burka lagu badiyo sida canjeerada iyo waxyaabaha burka laga sameeyo, “Cunnooyinkaas waxay sababayaan in dhiifshiidku cuslaado, haddii uu dheefshiidku cuslaadana beerka saameyn xoog leh ayay ku yeelataa,” ayuu yiri.

Dhaqtarka ayaa intaa ku daray in hab-nololeedka dadka qaar ee saameyn kara beerka ay ka mid yihiin, in qofku isticmaalo daawooyin uusan dhaqtar u qorin, amaba dawo-dhireedka oo kale. “Waxaa dalkeenna aad ugu badan in qofku uu farmashiye iska tago kana soo iibsado dawooyinka sida xanuun-baabi’iyaha iyo kuwa xasaasiyadda loo cuno, kuwaas waxay qaarkood dhaawici karaan beerka,” ayuu yiri.

268930cookie-checkRaashinka Soomaalida Caanka Ku Tahay oo Digniino Caafimaad laga soo saaray…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com